Community

Mark Zuckerberg oo Magaalada Minneapolis kula Afuray Soomaali

Madaxa Shirkadda Facebook, ahna mulkiilaha Facebook ayaa xalay magaalada Minneapolis kula afuray dad Soomaali ah.

Mark Zuckerberg ayaa boggiisa Facebook soo dhigay sawir ay ka muuqdaan isaga iyo haween Soomaaliyeed wada afuraya. Mark Zuckerberg ayaa yiri, “Caawa waxaan afurkaygii ugu horeeyay aan la yeeshay qaarkamid ah Soomaalida qaxootiga ah ee ku dhaqan magaalada Minneapolis”.

Mark Zuckerberg oo kamid ah dadka iyagu dunida ugu qanisan ama taajirsan ayaa in mudo ahba la kulmayey, lana cuntaynayey qoysas kamid ah dadka iyagu ku dhaqan gobollada kala duwan ee dalka Mareykanka.

Haddaba kulan iyo munaasabadan uu Mark Zuckerberg kula kulmay haweenka Soomaaliyeed iyo waliba qaar kamid ah Soomaalida ku dhaqan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo badan oo gaar u ah dadka iyaga oo qaxooti ah dalkan Mareykanka soo gala iyo waliba saameynta ay ku yeelatay doorashadda madaxweyne Trump dadka Soomaalida ah, Muslimiinta iyo waliba dadka soo galootiga ama qaxootiga ah.

Halkan ka akhriso fariinta kooban ee uu Mark Zuckerberg soo dhigay boggiisa Facebook-ga.

 

Latest News

To Top