Wararka Soomaaliya

Mareykanka oo Cadeeyay Bariire Dadkii ay ku dileen waxa ay ahaayeen

War ka soo baxay Dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in uu been yahay wararka la baahiyay ee ah in Bariire lagu dilay dad Rayid ah howlgalkii laga fuliyay beer ku dhow deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose 25kii August ee sanadkan.

War Saxaafadeed ay soo saareen Milatariga Maraykanka ayaa lagu sheegay in dadka howlgalkaa lagu diley ay ahaayeen Kuwo hubeysnaa oo Shabaab lashaqeynayay.

Warbixin kooban oo ay soo saareen ciidamada Maraykanka gaar ahaan qeybta Afrika ayaa cinwaan loogaga dhigay “Qiimeynta Eedeymaha Dad Rayid Ah Oo La Diley 25kii August Oo La Soo Saaray.”

Kadib qiimeyn iyo baaritaano dheer oo aan ku sameynay howlgalka ay horkacayeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo eedeymaha la xiriiray in dad rayid ah lagu diley Bariire ay noqotay mid been ah.

Taliska Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Howlgalada Africa (SOCAF) ayaa waxaa uu ku soo gunaanuday in dadka halkaa lagu diley ay ahaayeen cadow hubeysnaa.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in ka hor inta aysan ciidamada gaarka ah ee Maraykanka kana howlgala Afrika si wadajir ah u fulin saaxibadood ay sameeyaan qorshe balaaran oo loogaga feejignaanayo in dad rayid ah ay howlgaladaas ku wax yeeloobaan.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top