Wararka Soomaaliya

Magacaabistii Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo war ka daba Yimid

Magaalada jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelada dhexe ayaa hadda waxaa ka socda shir ay leeyihiin qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka Maamulka Hir-shabeelle.

Xildhibaanadaas ayaa waxay ku doodayaan wasiirada uu magacaabay Madaxweynaha Mamaulka Hir-Shabeelle in aysan u qalmin Heer wasiir iyadoo qaarkood ay ku sheegayaan in ay aad u hooseyso xaga wax barashada oo waliba Dugsi hoose soomarin sida ay sheegayaan xildhibaanada Jowhar ku shiraya.

Golaha wasiirada Maamulka Hir-shabeelle ayaa waxaa laga keenay Banaanka Ama ka banaan Baarlamanka.

Shirka ay leeyihiin Xildhibaanada Mamaulka Hir-shabeelle ayaa war laga helay waxaa uu sheegayaa in ay diidi doonaan ansixinta Wasiirada Maxamed cabdi waare uu soo magacaabay.

Dhinaca kale waxaa hadda Jowhar shir kuleh Wasiiradii Magacyadooda ku soo baxay liiska iyagoo ku dadaalaya qaabkii ay kal sooni ugu heli lahaayeenXaubnaha Baarlamanka.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top