Wararka Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Garowe

Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo Wafdi uu horkacayo ayaa Maanta Gaaray Garowe waxaa halkaas Ku soo dhaweeyay Shacab weynaha Ku nool Garowe.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas iyo qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirada,Xildhibaano,Siyaasiyiin,Odayaal dhaqameed Caan ka ah Gobolada Bari iyo Nugaal ayaa Qeeb ka ahaa soo dhaweynta Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo waxaa dhankiisa lasocda Wasiiro,Xildhibaano,siyaasiyiin iyo Saraakiil.

Wafdigaas ayaa caawa waxay ku hooyanayaan Magaala Madaxda Gobolka Nugaal ee Garowe.

Maalinta Beri ah ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweynuhu uu Xarigga ka jaro Garoonka sida Caalamiga ah loo dayactiray ee Garowe islamarkaana Mudo labo sano dhismihiisa uu socday  iyo sidoo kale Munaasabada xiligii Cabdi Wali uu ku guulaystay Madaxtanimada Maamulkaas iyo waxa uu qabtayba lagu soo bandhigayo.

Garoonkan ayaa waxaa Maanta markii ugu horaysay Caga dhigatay Diyaaradii Siday Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa.

Shacabka ku nool Garowe ayaa Markii soo caga dhigatay Diyaarada Madaxweynaha Mar qura wada shiday Heeso iskuuga jiray soo dhaweyn iyo Amaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhex lugeeyay Garowe oo shacabkii soo dhaweeyay Salaamay ilaa Madaxtooyada ay ka gaaraan ayuuna salaan iyo lugba ku jiray.

Laga bilaabo Garoonka ilaa Madax tooyada wadada labadeeda dhinac waxaa taagnaa oo saakaba isku diyaariyay shacab aad utiraban.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Mar uu lahadlay Saxaafadda waxaa uu sheegay in ay farxad galisay sida niyad samida leh ee ay u soo dhaweeyeen Shacabka Maamulka Puntland Gaar ahaan kuwa Garowe.

Maalmana uu joogi doono halkaas ayuu sheegay Madaxwrynuhu in uu lakulmi doono dhinacyada Bulshada ay ka koobantahay.

Sidoo kale uu eegi doono Xarumaha waxbarashada iyo Caafimaadka.

Madaxweyne Farmaajo waa Markii ugu horaysay Asagoo Madaxweynaha ah uu ku hoydo Garowe.

Ugu dambeyntii waxaa Aad loo adkeeyay Amaanka Magaaladaas.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

Latest News

To Top