Wararka Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo oo Amaankiisa Aad loo Adkeeyey

Madaxweynaha Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Wafdiga lasocda ayaa Galabta soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka dib Markii Safar dhulka ah ay kaga soo Ambabaxeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliya Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,Saraakiil,Wasiiro Xildhibaano iyo Odayaasha dhaqanka.

Waxaa Gaalkacyo ugu horeeyey oo halkaas ku sugayey Wasiirka Arimaha Gudaha ee Cusub Xukuumadda Soomaaliya,Saraakiil uu kamid yahay Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneral Cabdiwali Jaamac Gorod,Xildhibaano iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Markii ay soo gaareen Gaalkacyo ayaa waxaa Mar qura hawada lagu arkay Diyaarado Helakobtar ah oo Amaanka Madaxweynaha Sugayey.

Diyaaradahaan ayaa waxaa leh Dowladda Soomaaliya waxaana ugu deeqay Midowga Africa Xiligii Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhex lugeeyey Gaalkacyo oo Amaankeeda Cir iyo dhulba lasugay. 

intaas ka dib Madaxweynaha waxaa uu Goob Fagaaro ah kula hadlay Shacabka Gaalkacyo oo Aad usoo dhaweeyey Wafdiga wuxuuna usheegay in dhoor maalmood ku sugnaandoono Gaalkacyo islamarkaana ka shaqeyndoono dib uheshiisiinta.

waxaa kaloo usheegay in ay uhayaan mashaariic hormarineed.

Shacabka Puntland haddii Madaxweynaha hadiyad ugu dhigeen Faras Shacabka Gaalkacyo Farmaajo waxay Kaga Farxiyeen Qaalin qiyaastii Shanjir ah oo Rinji Buluug ah lamariyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo Caawa wuxuu ku hoyday Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Safarkaan kanxiga wuxuu Aadidoonaa Cadaado waxaa ku xigidoona Cabudwaaq, Xeraale, Deegaano kale oo Gabolkaas ka mid ah.

Wuxuu ku soo Gabagabayn doonaa Degmada Dhuusamareeb oo ah Magaala Madaxda Gobolka Galgaduud oo hadda ay maamulaan Ahlusuna wal Jamaaca.

Safarkan ayaa umuuqda mid rajo galinaya umadda Soomaaliyeed oo ku daalay Colaad iyo Abaar.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top