Somali News

Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed ee soomaaliya oo Ka hadlay Arimo Laxariira Mukhtaar Roobow

Shariif Xasan Sheik Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa waxaa uu soo dhaweeyay Xayiraadii laga qaaday Mukhtaar Roobow Cali oo Mareykanka ay horay u saareen 5milan oo doolar.

Shariif ayaa waxaa uu sheegay in arintan soo dhaweynteeda ay leedahay ayna ku faraxsan yihiin wada mareykanka ay umareen Xaalada Mukhtaar Roobow.

Shariif waxaa ka loo uu sheegay in Mukhtaar oo udhashay Baay,iyo bakool marhadii laga qaaday xayiraadii ay ka dhigan tahay in nabad u soo hooyatay shacabka soomaaliyeed ee ku nool goboladaas.

Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday wararka sheegaya cabsida laga qabo in Mukhtaar ay weeraraan shabaab ayaa waxaa uu shariif xasan uu ku faanay in Mukhtaar uu iskiiga filan yahay shabaab.

Hadii  ay dhacdo in uu ubaahdo gurmad Dowlada Federaalka soomaaliya iyo Maamulka Koonfur galbeed hiil iyo garab istaagba ladiyaar yihiin.

Mukhtaar Roobow ayaa hada waxaa horyaala siyaasadiisa halka uu ku wajihi lahaa mar hadii laga qaaday xayiraadii saarneed.

Caqabadaha durba soo wajihi karo Mukhtaar waxaa ka mid ah in ay xooga saaraan Al-Shabaab sidii ay dagaal ula gali lahaayeen Marhadii lacafiyay.

Latest News

To Top