Somali News

Madaxda Dowlada Soomaaliya oo lagu qabsaday Qaabka ay ula dhaqmeen Mukhtaar Roobow

Beesha Ceer oo ka mid ah Beelaha hawiye ayaa waxay sheegeen hadii la cafiyay Mukhtaar Roobow oo dowlada soomaaliya ay soo dhaweysay in Xasan Daahirna la sii daayo.

Odayaal ka mid ah beeshaas oo lahadlay warbaahinta ayaa waxay shuruud ku xireen in madaxda dowlada federaalka soomaaliya ay ka eexatay beesha Ceer ayna garab ustaagtay Beesha uu ka soo jeedo Mukhtaar Roobow.

Waxay ka loo sheegeen in la siidaayo ninka dowlada uxiran ee dilay wasiirkii Howla Guud ee dilka lagu xukumay.

hadii kale qas iyo fowdo ay ka dhigayaan Muqdisho.

Warkan ayaa waxaa uu imaanayaa ka dib markii dhowaan Mukhtaar uu cadeeyay Mowqifkiisa ku aadan in uu ka baxay Al-shabaab haka Xasan Daahirna uu diiday in uu ka tanaasulo hadafka Shabaab

Latest News

To Top