Wararka Soomaaliya

Madaxa Al-Shabaab oo la sheegay in ay Soo wajahday Baqdin

Madaxda ugu sareeya kooda Al-Shabaab Axmed Cabdikariim oo Shabaabka Dhexdiisa loogu yaqaano Axmed Diiriye hadda uu ku dhuumalaysanayo Deegaano ku dhow Degmada Jilib ee Jubbada Dhexe ee Soomaaliya.

Hogaamiyahaan ayaa wararku waxay sheegayaan in uu u dhaxeeyo dhulka keynta ah ee ku dhow Jilib sida Dhay Tubaako iyo Jilib Dhexdooda Mararka qaarna uu galo Degmada Jilib.

Sababta ayaa waxaa lagu sheegay in Cabsi xoogleh ku Abuurtay Duqeymaha isdaba Jooga ah ee ay ku hayaan Diyaaradaha Maraykanka kooxda Al-Shabaab.

Axned Cabdikariim ayaa waxaa uu ka cararay sida aan warku ku helnay Shabeelada hoose oo dhoormar duqeymo ay ka fuliyeen Diyaaradaha Maraykanka.

Madaxda Al-Shabaab ayaa hadda waxay umuuqdaan kuwo kala Firxanaya oo doonaya in ay meel uraadiyaan Amaankooda.

Xogtan ayaan waxaan ka helnay qaar ka mid ah odayaasha ku nool dhulka ay maamulaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top