Somali News

Macalinkii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya oo geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Tababarihii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya Macalin Xuseen Cali Cabdulle oo loo yaqaanay (Coonka).

Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsanayay, waxaana ugu dambeyn xalay saqdii dhexe uu ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla degmada Shibis

Allaha u naxariistee Xuseen Coonka ayaa dhashay sanadkii 1946, waxaa uu u soo ciyaaray kooxo kala duwan oo ka mid ahaa naadiyadii dalka ka jiray ka hor bur burkii dowladdii Dhexe.

Xuseen Coonka ayaa ka mid ahaa laacibiintii Soomaaliya, waxaa uu u soo ciyaaray xulka Qaranka Soomaaliya, isagoo kulamo ciyaareed kala hortagay dalal ay ka mid ahaayeen Sacuudi Carabiya, Zambia, Itoobiye, Yemen, Kenya iyo Tanzania.

Waxaa uu Tababare u soo noqday Kooxaha kubadda cagta ee heerka koowaad, sida Kooxda Elman oo koobab u qaaday.

Allaha u naxariistee Macalin Coonka ayaa lagu xusuusan doonaa hal adeeg, dhiira gelin joogto ah u dabacsanaan ciyaartoyda, iyo inuu ahaa nin samo jecel labadii ciyaaryahan ee iksu dhacana uu heshiisiin jiray.

 

Xigasho: Jowhar

Latest News

To Top