Somali News

Maamulka Puntaland oo qorshe cusub u dejiyay Maalamaha Ciidda

Puntland ayaa sheegtay in ay xoojineyso ammaanka inta lagu guda jiro maalmaha Ciida iyo dhammaan goobaha lagu tukanayo saalada ciida.

Golaha Wasiirada maamulka Puntland oo kulan yeeshay ayaa kulankooda waxa ay kaga hadleen adkeyna amniga iyo qoddobo kale.

War-murtiyeed laga soo saaray kulankan ayaa lagu sheegay in aysan jirin khatar amni oo weyn degaanda Puntland, hase yeeshee amarada cusub ay la xiriirto sidii looga hortagi lahaa falal ay soo maleegaan Shabaab.

“Shacabka Puntland waa inay ka dheeraadaan buun buuninta wararka been-abuurka ah ee cadawga Puntland sheegaan, waxayna golluhu caddeeyeen in dhammaan degaamadda Puntland aysan ka jirin wax khatar amni ah” ayaa lagu yiri War-murtiyeedkii ka soo baxay shirka Golaha Wasiiradda

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) wuxuu golaha u sheegay in la xoojin-doono isku xirka xogta shacabka iyo dhammaan laamaha sirdoonka dalka si buu yiri looga hortago cadowga Puntland, loogana feejignaado kuwa ku dhumaaleysta magaalooyinka Puntland.

 

Latest News

To Top