Wararka Soomaaliya

Kulan Dhexmaray Ra’iisul Wasaaaraha Xukuumadda iyo Ganacsatadii Cabashada Qabay

Muqdisho, Soomaaliya – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  qaar kamid ah ganacsatada gobolka Banaadir oo maalmahaanba cabasho ka muujinayey canshuur ay ku soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Kulanka Ra’isul Wasaare Kheyre la qaatay Ganacsatada waxaa ku wehliyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, C/raxmaan Ducaalle Beyl, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga  Maxamed Cabdi xayir Maareeye iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirada wehliyay ayaa Ganacsatada kala hadlay sidii loo dejin lahaa xiisada ka dhalatay Canshuur kordhinta Wasaaradda Maaliyadda ku sameeysay Ganacsatada waxa uun Ganacsatada ka codsaday in ay bixin Canshuurta si dhaqaalaha kor loogu qaado.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya  C/raxmaan Ducaalle Beyl, ayaa sheegay in R/Wasaaraha kala hadlay Ganacsatada sidii ay u bixin lahaayeen Canshuurta waajibka ku ah .

Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa kasoo horjeestay Canshuur kordhin Wasaaradda Maaliyadda ku sameeysay waxaana lagu kala tagay kulankii Ra,iisul wasaaraha iyo ganacsatada

Tani ayaa waxay imaanaysaa iyadoo  maalmihii lasoo dhaafay hakad galay dhaq dhaqaaqyadii ka jiray Dekadda Muqdisho.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top