Community

Kooxda Qaran oo hanatay horyaalkii ciyaartoyda culusaatay ee Minnesota

Waxaa xalay oo ay taarkhiida bisha September ahayd 09/7/2017 magaalada Minneapolis lagu soo gunaanaday horyaalka Ciyaartoyda culusaatay ee loogu magac daray Jiirooni.

Horyaalkan kubadda cagta ah ayaa waxaa sannad walba lagu qabtaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Horyaalkan oo socday mudo afar bilood ah ayaa waxaa koobkii ku guuleysatay, guushiina ay halkaas ku raacday kooxda Qaran.

Kooxda Qaran ayaa dhibco 28 ah ku hanatay koobka. Macalinka ama tababaraha kooxda Qaran Cadow ayaa isagu noqday macalinkii ugu wanaagsanaa. Waxaana la gudoonsiiyey abaal-marinta macalinka ugu wanaagsan ee Horyaalka.

Ciyaartoyga Sheekh Cumar ayaa isaguna noqday ciyaartooygii ugu wanaagsanaa ama ugu laacibsanaa mudadii uu horyaalku socday. Halka guushii tartanka gool dhalinta ay halkaas ku raacday ciyaartoyga C/Raxmaan Juu.

Sidoo kale waxaa billad sharaf la gudoonsiiyey Carab oo isagu agaa garsoorihii qabtay dhamaan ciyaarihii horyaalka.

Koobkan oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Currie Park oo si wanaagsan loo soo abaabulay ayaa waxaa soo agaasima Adam Ugas oo isagu ah tababare iyo shaqsi aad uga dhex muuqda bahda isboortiska ee gobolka Minnesota.

Abaalmarinta iyo biladihii xalay la bixiyey ayaa waxaa qaybiyey oo marti sharaf garoonka ku ahaa Macalin Qariidi iyo Cabdulqaadir Shiikha oo iyagu ah hormuudka iyo hogaamiyeyaasha bahda isboortiska gobolka Minnesota.

Dhamaan dadweynihii u soo daawashadda tegay ciyaarihii kama dambeysta ahaa ee lagu soo gebagabeeyay horyaalkan iyo waliba ciyaartooydii culusaatay ee iyagu nasiibka u yeeshay in ay ka qayb gaatan tartankan ayaa aad iyo aad ugu riyaaqay habsamida horyaalka loo qabtay.

Haddaba bahda Tusmo Times ayaa hambalyo halkan uga diraysa kooxda Qaran oo iyagu hantay koobka horyaalka iyo waliba tababare Adam Ugas oo soo agaasimay horyaal aan horay looga arag goobaha ciyaaraha ee gobolka Minnesota.

Latest News

To Top