Wararka Soomaaliya

Jawaab layaableh oo la siiyay hogaamiyeyaasha Shanta ah

Ra`iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa uu jawaab yaableh uu siiyay hogaamiyaash Shanta ah ee ku shiray Kismaayo. Shantan hogaamiye oo kala ah Cabdi Wali maxamed cali Gaas,Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Cabdi Waare, Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Axmed Maxamed Axmed madoobe.

Ra`iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu yiri”Haddii Aad maqli jirteen Siyaasad in lagu furo Madaxda Soomaaliya Ka dibna Madaxdu ay hoygooda iska Fariistiin¬† oo ay niyad jabaan Anagu Manihin kuwaas.”

waxaa kaloo uu Ra`iisul Wasaaraha uu sheegay in Xataa ay Gaarsiinayaan Meesha Ugu danbeysa Madaxda Maamulada oo micenaheeda ay Tahay in sharciga ay latiigsanayaan.

Hadalka Ra`iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu imaanayaa xili maalintii Shalay War-saxaafadeed ka muuqatay in uu Caqabad ku yahay Midnimada  Soomaaliya ay soo saareen Hogaamiyaasha Shanta ah ee isbahaystay.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top