World

Jacob Zuma, Madaxweynaha Koonfur Afrika oo xilkii iska casilay

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa xilka iska casilay kaddib markii uu caddaadis siyaasadeed oo joogta ah kala kulmay maamulka iyo xubnaha xisbigiisa ANC oo ah xisbiga talada hadda ka haya dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha is casilay ee Jacob Zuma ayaa waxaa in mudo ahba hareeyay culays siyaasadeed oo ka dhashay musuq maasuq iyo hogaan xumo.

Isbuucan oo dhan ayaa hogaanka cusub ee Xisbiga ANC ay ku mashquulsanaayeen sidii ay arrintan guracan ee la xiriirta xilka madaxweyne Zuma ay xal siyaadadeed ugu heli lahaayeen.

Waxaa warbaahinta lala dhexmarayey labadii cisho ee la soo dhaafay in haddii uu madaxweyne Jaco Zuma uu diido in uu iskii isaga dhiibo xilka oo uu is casili waayo, in si qasab ah xafiiska looga saari doono oo baarlamaanka uu u qaadi doono in lagala laabto codka kalsoonida.

Haddaba wixii faafaahin dheeraad ah ee ku soo korodha is casilaada madaxweyne Jacob Zuma kala soco bogga wargeyska Tusmo Times.

 

Xigashadda sawirka: Reuters

Xigashadda video-ga: Euronews

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top