Tusmo Times: News that Matters to Somali Americans

Community

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee Mareykanka iyo Hay’adda Tayo oo shir laba maalmood ah qabtay

Hay’adda la talinta ee Tayo iyo Isbahaysiga Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa shir laba maalmood socday ku qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Shirkan oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa doodihii barnaamijkaan  oo labo qayb ahaa  diirada lagu saaray is bedelka siyaasadeed ee dowladda cusub ee Mareykanka iyo saameynta uu ku leeyahay Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka.

Haddaba shirkan oo aad iyo aad uga duwanaa shirarkii iyo kulamadii horay looga bartay in ay qabtaan Soomaalida Mareykanka degan, ayaa waxaa goobtii uu shirku ka dhacay lagu soo bandhigay dood wadaag iyo aqoon is-weydaarsi Islaam naceybka kusii kordhaya dalka Mareykanka iyo waliba sharicyadda cusub iyo siyaasada Madaxweynaha dalka Mareykanka D. Trump ee sida gaarka ah u saameeynaya bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.

Hamse Warfa oo isagu ah hogaamiyaha talinHay’adda la talinta ee Tayo iyo Isbahaysiga Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee Mareykanka oo shirka furay ayaa marka koobaad u mahadceliyey dhamaan dadkii ka soo qayb galay shirka. Hasme ayaa sidoo kale dadweynihii tirada badnaa ee iyagu ka soo qaybgalay shirka uga waramay ahmiyada shirka loo qabtay iyo muhiimada uu leeyahay.

Madaxdii iyo Aqoon-yahaniintii shirkan lagu martiqaaday ee doodii hore ka qaybqaatay waxaa ka mid ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka mudane Ahmed Awad, Duqii hore ee Magaalada Minneapolis R.T., iyo Aqoonyahan Faisal Roble oo isagu ah maamulaha xafiiska Qorsheeynta ee Magaalada Los Angeles.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa ka qaybqaatay qudbado iyo hadalo qaali ahna ku soo bandhigay dhallinyaro aqoonyahaniin Soomaaliyeed ah oo iyagu ka kala yimid gobolada kala duwan ee dalka Mareykanka. Hogaamiyeyaashan da’da yar ayaa waxaa kamid ahaa Ramla Saahid, Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda PANA, Horseed Nuux, Agaasimaha Masaajidka Abubakar Assiddiq ee magaalada Ohio, Ismahan Warfaa, Agaasimaha Iskaashiga iyo Iskuxirka Bulshada ee Hay’adda PANA, iyo Abdiraxman Mukhtar oo isagu ah maamulaha barnaamijka Dhalinyarada iyo Qoyska ee xarunta Brian Coyle ee magaalada Minneapolis.

Shirkan oo mowduucyo muhiim ah looga hadlay diiradana lagu saaray ayaa waxaa kale oo lagu soo bandhigay filim kooban oo ka hadlaya waxqabadka wanaagsan ee ay qabtaan qaar kamid ah bulshadda Soomaaliyeed ee iyagu ku dhaqan dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota.

 

Comments

comments

To Top