Community

Hay’adda Read Horn of Africa oo deeq gaarsiisay dadkii abaaruhu saameeyeen

Photo: Read Horn of Africa

Hay’adda Read Horn of Africa oo saldhigeedu uu yahay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, dalka Mareykanka ayaa deeq gaarsiiyey qaar kamid ah dadkii ay abaaruhu ku saameeyeen dalka Soomaaliya. Deeqda ay Hay’adda READ ay dadka abaaburu saameeyeen ay u qaybisay ayaa ka koobnaa bariis, bur, sonkor, saliid, baasto, cabitaan iyo waliba adeegyo kale oo aad iyo aad muhiim u ah.

Haddaba deeqdan ay Hay’adda READ dadka u qaybisay ayaa waxaa kharashka ku baxay intooda badan ku deeqay dhallinyaro Soomaaliyeed oo iyagu isku taagtey taakuleynta abaaraha. Liban Adan iyo Khalid Maxamed oo iyagu dhexda u xirtay in ay taakuleeyaan, lacagna u ururiyaan dadka ku dhibaateysan marxalada xun ee ay abaartu keentay, ayaa waxaa u suurto gashay in ay soo ururiyaan lacag dhan $11,300 oo dollar. Dhamaan lacagtii deeqda ahayd ee ay dhallinyaradani soo ururiyeen ayeey ku wareejiyay labo Haya’dood oo ay Hay’adda READ kamid tahay oo iyagu ka hirgala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Dhallinyarada ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed in ay ka qeyb-qaataan gurmadka abaaraha iyo weliba wacyi-galin la xiriirta abaaraha, si wax loo taro dadka abaaruhu saameeyeen. Fadlan wixii taakuleyn ah ee aad ka geysanayso arrintan la xiriirta abaaraha, waxaad ku soo hagaajisaa Liban iyo Khalid oo aad ka heli karto bogga Facebook-ga iyo waliba Hay’addaha iyagu isku taagey taageerada dadka abaaruhu saameeyeen ee aya Hay’adda Read Horn of Africa  kamid tahay.

Latest News

To Top