Wararka Soomaaliya

Hay`adaha Amaanka Soomaaliya oo Ka Hir Galiyay Muqdisho Arimo Muhiim ah

Taliska Ciidanka Booliska Soomalaiya Saraakiishooda ayaa maanta waxay saxaafadda u sheegeen in Wadooyinka Muqdisho dhigayaan Sanduuqyo ay ugu talagaleen in Shacabka ay rayigooda ku Aadan waxa ka qaldan iyo waxa usaxan hay`adaha Amaanka Soomaaliya  ka dhiibtaan.

Qaasim Axmed Rooble oo ah Af hayeenka Ciidanka Booliska soomaaliya ayaa maanta waxaa uu sheegay in dhamaan isgosyada Muqdisho ay dhigayaan Sanduuqyadaas.

Waxaa uu yiri”waxaan in diin keenay shacabow sanduuqyo aad ku rayi dhiibataan si aad noogu sheegtaan waxa naga qaldan iyo waxa noo saxanba Fadlan waa noo wada Muhiim ee ka qeeb qaata raya dhiibashada ayuu hadalkiisa ku soo gaba Gabyeeyay Qaasim Axmed roobe”

Waa muhiim in Hay`adaha dowlada soomaaliya in ay ogaadaan waxa ka  qaldan iyo waxa u saxan.

Qaabkan hadii la dhaqan galiyo waxay hor sdeedaysaa Nabad galada Muqdisho iyo Guud ahaan dalka oo dhan.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top