Wararka Soomaaliya

Golaha Wasiirada Maamulka Hir-Shabeelle oo lagu dhawaaqay

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeele ayaa sheegaya in goor dhow lagu dhawaaqay Golaha Wasiirada maamulkaasi.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Mudane Maxmed Cabdi Waare ayaa magacaabay Golihiisa Wasiirada kadib kulamo wadatashiyo ah oo uu maal mahan la lahaa Golayaasha kaladuwan ee Hirshabeele.

Wasiirada uu soo dhisay Madaxweyne Waare ayaa ka kooban 57 xubnood,kuwaasi oo kala ah 20 Wasiir,20 Wasiir ku xigeen iyo 17 Wasiiru Dowle.

Golaha Wasiirada Cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa inta badan waxaa ay yihiin kuwo laga keeney dibadda,balse waxaa kujira qaar kamid ah xubnihii hore oo dib ugu soo laabtay markale Golahaasi

Waa Meesha ka muuqada in wali khilaafkii uu taagan yahay.

To Top