Wararka Soomaaliya

Golaha Aqalka Sare oo ka hadlay Arin Muhiim ah

Kulan Maanta ay yeesheen Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka soomaaliya ayaa waxay kaga hadleen Arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay Weerarkii Senator Cabdi Xasan cawaale Qaybdiid oo ay ku sheegeen in Weerarkaas laga soo Abaabulay Wadamada Khaliijka dano gaar ahna laga lahaa.

Waxay kaloo intaas ku dareen in Amaanka Senatorada laga fikiro Maadaama xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ay Meel Xasaasi ah ay mareyso.

dhinaca kale waxay ka hadleen Kenya oo Xad gudub ku sameysay Xadka soomaaliya oo Derbi ka dhisayso Goobo ka baxsan Meeshii loo calaamadeeyay.

Waxayna warkooda ku soo gaba Gabeeyeen in Gudiga Xuduudaha ay arinkaas wax ka qabtaan xukuumadana sida ugu dhaqsiyaha badan wax ka qabto Dhul balaarsiga ay wado kenya.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top