Somali News

Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo Maanta Qarka ufuulay in Ku raasta isla dhacaan

ku lanka Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta kulmay ka dib markii shalay ay baaqdeen waxaana ujeedka kulanka uu ahaa in ay ka doodaan Cabdi kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Ku lanka ayaa waxa soo xaadirtay 37 Mudane tirada Guud ee Aqalka Sare ayaa waxaa uu yahay 54 Senater.

Tirada Soo xaadirtay ee 37 senater ayaa 21 ka mid ah waxaa la sheegay in ay taageersan yihiin barnaamijka Xukuumada halka 4 mudane ay ka aamuseen inta soo hartay ayaa la sheegay in ay doonayeen in xukuumada la rido laakiin laga codbadiyay.

Markii dooda meel dhexe ay mareyso ayaa waxaa warku sheegayaa in is aflagaadeyn iyo dagaal uu ka dhax bilowday ku lanka dhaxdiisa.

Waxaa halkaa ku soo gaba gaboobay kulankii Senaterada oo natiijo la,aan ah.

Dhinaca kale waxaa wali laga war sugayaa Golaha Aqalka hoose oo iyana sidaan oo kale ku kala rayi duwan arinta Qalbi Dhagax.

Latest News

To Top