Wararka Soomaaliya

Golaha aqalka sare ee Soomaaliya oo ka hadlay dhul balaarsiga dalka Kenya

Waxaa maanta kulanka baarlamanka aqalka sare soo xaadirtay 30 Senetor,  halka 24 kale ay ka maqnaayeen kal fadhigii maanta dhacay.

Waxaa halkaas laga soo jeediyay warbixin ku saabsan dhul balaarsiga ay dalka Kenya ay ka wado xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka Gobolka Gedo.

Senetor Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa waxaa uu sheegay in dhowaan ay gaareen degmadda Beledxaawo ee Gobolka Gedo, iyaga oo kamid ahaa wafdi la socday wasiirka arrimaha Gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaliya Cabdi Faraax Siciid Juxa iyo khubaro ku taqasusay arrimaha la xiriira dhulka.

Senetorka ayaa waxaa uu intaas ku daray in ay soo arkeen dhul boobka halkaas ka socda, loona baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Waxaa dhanka kale kulankanii maanta lagu soo gaba gabeeyay kulamadii caadiga ay golahu u qabsan jireen, waxaana la sheegay in xaflad loo qaban doono xiritaanka iyo fasaxa ay golaha aqalka sare ay galayaan maalmaha soo socda.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

Latest News

To Top