Wararka Soomaaliya

Go,Aankii Xeer ilaaliyaha oo lagu Gacan Seeray

Kulan Maanta ay Ku yeesheen Xarunta Villa Hargaysa ee Magaalada Muqdisho Gudiga joogtada ah ee Baarlamanka Aqalka hoose ayaa waxay kaga aransadeen labo qodob.

Qodobka kowaad ayaa wuxuu ahaa Amarkii dhowaan ka soo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ee ahaa in xasaanada laga qaado labo Mudane oo Katirsan Baarlamanka Aqalka hoose ka dib Markii Xeer ilaalintu ay soo jeediyeen in ay ku heleen falal la xariira Qaran dumis in ay Ku howlan yihiin labada Xildhibaan.

Gudiga ayaa soo jeediyay in ay laaleen qodobkaas iyagoo sheegay in ay u cuskanayaan in Aan jirin qodob tilmaamaya Xasaanad Kala noqosho Xildhibaan oo Dastuurka ku qoran.

Qodobka labaad ayaa waxaa uu ahaa xiliga uu furmayo kulankooda kan xiga iyo kulanka Baarlamanka oo hadda fasax Ku jira.

Waxay Gudiga soo saareen War Saxaafadeed sheegaya in kulankoodu uu furmayo 15 Bishaan Caawa kowda ah ee 2018 sidoo kale kulanka Baarlamanka isla waqtigaas uu furmayo sida uu Saxaafadda u sheegay Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamanka Soomaaliya Mahad Cabdale Cawad.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top