Somali News

Garowe oo Lagu so Dhaweeyay Ilhan Cumar iyo Ahmed Hirsi

Photo Puntland Post

Waxaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Garowe Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Ahmed Xirsi oo ah Seygeeda. Dad aad iyo aad u tiro badan ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garowe Ilhaan Cumar iyo Axmed Xirsi oo iyagu safar gaaban ku tegay dalka Soomaaliya.

[unitegallery ilhan2]

Haddaba dadkii soo dhaweeyey Ilhan Cumar iyo Axmed Xirsi ayaa waxaa kamid ahaa masuuliyiin ka tirssan Dowlada Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada iyo Dadweyne Fara-badan. Siddoo kale waxaa dadkaas kamid ahaa aqoon yahaniin iyo masuuliyiin reer Minnesota ah.

Ilhaan Cumar ayaa si rasmi ah u furaysa tartan kubadda kolayga ah ee ay gabdhaha ciyaartooyda goboladda Soomay ay ku loolami doonaan. Ilhaan ayaa soo martay magaalada madaxda Soomaaliye ee Muqdisho, halkaas oo ay kula kulantay madaxda dowladda, ururada u adeega shacabka iyo qaarkale oo kamid ah madaxda beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Soo dhaweyn ka dib Ilhaan Cumar iyo Odaygeeda Axmed Xirsi (Southside) ayaa boqolaal dadweyne ah la hadlay una sheegay inay ku faraxsan yihiin imaanshaha magaalada Garowe, Waxayna uga mahadceliyeen dadkii soo dhaweeyay dhamaantood. 

Ilhaan Cumar ayaa horaantii bishii Nofeembar noqotay gabadhii ugu horeysay ama qofkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee loo doorto xildhibaan Maraykanka ah.

 

 

Latest News

To Top