Tusmo Times: News that Matters to Somali Americans

Somali News

Galmudug oo looga digay Hurinta Dagaalo ka dhaca Magaalada Gaalkacyo

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay Nabada Magaalada Gaalkacyo si Bulshada labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug ugu wada noolaadaan.

Waxa uu sheegay in Puntland ay dhaqaalo iyo waqti badan ay gelin doonto sidii nabad looga dhigi lahaa Magaalada Gaalkacyo oo ay dagaalo dhiig badan ku daatay uga dhaceen.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Masuuliyinta Maamulka Galmudug iyo Shacabkooda in ay noqdaan kuwo waqti siiya Nabada islamarkana ay iskadhega tiraan kuwa colaada hurinaya.

Comments

comments

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top