Community

Fartun Axmed oo loo dhaariyey Gudoonka Golaha Waxbarashada Hopkins

Waxaa si rasmi ah loogu dhaariyey magaalada Hopkins ee gobolka Minnesota Fartun Axmed oo kamid noqotay Guddoonka Golaha Waxbarashada shalay oo ay taariikhda bishu ahayd January 8, 2018.

Fartun Axmed iyo gudiga gudoonka waxbarashada Hopkins oo la dhaarinayo.

Fartun Axmed ayaa taariikh ka dhigtay gobolka Minnesota iyo waliba wadanka Mareykanka markii loo doortay guddiga golaha waxbarashada iskuulada Hopkins Talaadadii bisha Nofeembar7, 2017.

Fartun ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah ee loo doorto guddi dugsi, waxay kale oo ay Fartun noqotay haweeneydii labaad ee Soomaali ah ee loo doorto xafiis dawladdeed dalka Mareykanka.

Fartun Axmed ayaa ah gabadh aad u da’yar, aqoon yahanad, ganacsato iyo waliba hogaamiye u istaagtay horumarka ardayda iyo qoysaska ku dhaqan magaalada Hopkins ee gobolka Minnesota.

 

Xigashadda sawirada: Facebook

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

Latest News

To Top