Wararka Soomaaliya

Farmaajo iyo Biixi oo Wada Kulmi doona

Muqdisho:Tusmo Times-Waxaa dhowaan Wada kulmi Doona Mafaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Farmaajo iyo Biixi waxaa lashegayaa in kulankoodu uu ka dhicidoono Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti.

Sida uu Saxaafadda Maanta uu usheegay Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Dr Sacad Cali Shire,waxaana up sheegay in ay dib ufurmayaan wadahadalladii kala dhaxeeyey dowladda federalka Soomaaliya iyo ayaga.

Shire oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu jiro qorshe shir furitaan u ah ambaqaadka wada hadallada labada dhinac, kaas oo ka dhici doono dalka Jabuuti, ayna isku arki doonaan Muuse Biixi iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Weli dowladda Soomaaliya kama hadal,wada hadalladan uu wasiirku ka dhawaajiyey iyo kulan uu horey u sheegey in isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ay Addis Ababa isku arkeen.

Waxaasa Saxaafadda loo sheegin Waqtiga iyo Bisha ay wada kulmayaan Biixi iyo Farmaajo.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top