Arts & Culture

Fanaanada Nimco Yaasiin oo bandhig faneed ku qabanaysa magaalada Minneapolis

Fanaanada caanka ah ee Nimco Yaasiin Caraalle oo maalmahanba ku sugnayd magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa maalinta Jimcaha ee bisha Maarso ay tahay 31 bandhig faneed ku dhigaysa Xarunta Dhaqanka ee Cedar.

Nico Yaasiin ayaa ka qayb qaadaneysa barnaamijka Midnimo ee ay soo qaban qaabiso Xarunta Dhaqanka ee Cedar (Cedar Cultural Center). Barnaamijka Midnimo ayaa ah mashruuc ay ku midoobeen Kuliyadda Augsburg iyo Xarunta Dhaqanka ee Cedar. Haddaba barnaamijka Midnimo ayaa soo marti qaada fannaaniinta Soomaaliyeed iyo fannaaniin ajnabi ah oo iyagu u dhashay dalka Mareykanka iyaga oo si wadajir ah u wada qabta bandhig fanneed ka dhaca magaalooyin kamid ah gobolka Minnesota.

Fanaanada Nimco Yasin ayaa kulamadda ay ku soo bandhigeyso fankeeda iyo heesaheeda ku weheliya fanaaniinta Cabdicasiis Iskaaji iyo Raxmo Rose. Sidoo kale Koox ama fanaaniin Mareykan ah ayaa muusikada si toos ah ugu tumaya Nimco Yaasiin iyo fanaaniinta kale ee Soomaaliyeed.

Shaqaalaha ama dhallinyarada Soomaaliyeed ee kala ah Fadumo Ibrahim iyo Cabdul Ibrahim oo iyagu ah laf dhabarta iyo maamulayaasha barnaamijka Midnimo ayaa ku dhiirigelinaya in ay dad weynaha Soomaaliyeed ay ka soo qayb galaan bandhig fanneedkan dhacaya maalinta Jimcaha, Maarso, 31, 2017.

Wixii akhbaar dheerad ah ee ku saabsan bandhig faneedyadda ay Nimco Yaasiin dhigayso, meelaha iyo magaalooyinka lagu qabanayo iyo meelaha aad ka gadan karto tigidhada lagu gelayo bandhigan fadlan tag bogga internet-ka ee barnaamijka Midnimo http://www.thecedar.org/midnimo/ ama waxaad la xiriiri kartaa taleefanadda 612-418-2593 ama 651-497-9560.

 

Xigashadda Sawirka: Cedar Cultural

Latest News

To Top