Wararka Soomaaliya

Fanaanad Qaran oo Xalay Ku Geeriyootay Hargaysa

Magaalada Hargaysa ee Maanulka Soomaaliland waxaa xalay ku Geeriyootay Allaha unaxariistee Shamso Abukar oo loo yaqaanay Guduudo Carwo oo ah Gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed Masarax Hees ka qaaday Xalay ayaana halkaas Alla ku oofsaday.

Guduudo Carwo waxay ahayd Fanaan Qaran waxaana sanadahaanba ku nooleed Hargaysa.

Shamso Abukar Guduudo Carwo waxay ka mid ahayd Fanaaniinta Soomaaliyeed ee wali dalka aan ka bixin waxayna geeriyootay iyadoo ku jirtay dada in ka badan 90 Jirka.

Geerida Guduudo Carwo waxaa ka tacsiyadeeyay Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya,sida Madaxweynaha,Ra,iisul wasaaraha,Gudoomiyaha Baarlamanka labadiisa Gudoon iyo Golaha wasiirada.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top