Wararka Soomaaliya

Fal naxdin leh oo ka dhacay miyiga Shabeelaha Dhexe

Wararka laga helaya tuulooyin hoos taga Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in shaqsi cuuryaan ah oo xoolo dhaqata ah uu  cunay  Dhurwaa meel tuula ah 40km u jirta Magaalda Jowhar.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xilliga la cunayay ninka cuuryaanka ahaa uu ku guda jiray raadinta xoolo uu isaga lahaa.

Ninka la cunay ayaa la sheegay in qayb kamid ah Jirkiisa  loogu tagay halka lagu cunay iyada oo Dhurwaagii  cunay uu keymaha usii cararay.

Dhacdooyinka caynkani oo kale ayaa ah kuwo ku soo noq noqday  dhulka miyiga ah  iyo tuulooyinka hoos taga Degmadda Jowhar.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top