Somali News

Faafaahin dheeraad ah oo ka soo baxay Weerarkii shalay ka dhacay Xabsiga dhexe

Ninka ismiidaamiyay ayaa waxaa la shegay in uu ahaa nin meesha ku cusub oo horay loo arki jirin wuxuuna ahaa nin dhalan yaro ah.

Saraakiisha Xabsiga dhexe oo aan lahadlay waxay ii sheegeen in ciidamada ay ka shakiyeen ninkan oo ku labisanaa dharka ciidanka Tuutaha ah ee cagaaran bacna gacanta ku watay.

ka dibna ciidanka ay ku amareen in uu istaago xili uu ku soo socday gudaha xabsiga waxaana uu markaass marayay ilinka hore ee laga galo xabsiga agagaarka masaajid ku yaala halkaas.

ninka ayaa markii ciidanka ay ku adkeeyeen amarka ay siinayeen in uu bartiisa soo dhaafin uu is qarxiyay waxaana qaraxaas ku geeriyootay 4 qof oo ay ku jiraan ciidanka xabsiga dhexe.

ilaa hada lamayaqaano ninkaan waxa uu ahaa iyo ujeedkiisa.

Latest News

To Top