Wararka Soomaaliya

Faa-Faahin ka soo Baxday Qaraxii Saaka ka dhacay Wadada War shadaha ee Magaalada Muqdisho

Xag jirka Al-shabaab ayaa waxay ku faaneen in qarax miino ay ku dileen Shan ka mid ah Ciidamada Amisom ee Wadada War Shadaha Marayay.

War ay ku qoreen Weseite-yada ku hadla Af kooda ayaa waxay ku qoreen in ujeedkii ay ka la haayeen Miinadaas ay gaareen.

Qaraxa Miinada ah ayaa waxaa uu bur buriyay Gaari ay leeyihiin Amisom waxaana jira Dhaawacyo soo gaaray Askarta Amisom.

Dhinaca kale waxaa qaraxaas ku dhintay Askari Kamid ahaa Ciidanka xoogga dalka oo fa dhiyay ilinka Hore ee Wasaaradda Gaashaan dhiga Soomaaliya.

 

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top