Wararka Soomaaliya

Faa-faahin ka soo baxday qarax ka dhacay Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Sargaal maamulka Puntaland ka tirsan Gaaragiisa loogu xiray Qarax, ka dibna uu ku qarxay.

Sargaalka laqarxiyay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cali Ibraahim Cali (Magefe). Qaraxa ayaa ka dhacay dhinaca waqooyi ee Gaalkacyo, gaar ahaan Xarunta Ciidanka Daraawiishta Mamaulka Puntaland.

Sargaalka ayaa Markii hore dhaawacmay, kadibna u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxa.

Dhinaca kale waxaa qaraxaas sheegtay Maleeshiyada Al-shabaab in iyagu ay ka dambeeyeen Mas`uuliyada qaraxaas.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top