Wararka Soomaaliya

Faa-Faahin ka soo Baxday Dilkii ka dhacay Degmada Af Gooye

Wararka ka imaanaya Degmada Af Gooye ee Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in Suuqa Degmada Dhexdiisa Galabta lagu Dilay nin dhalanyarada Suuqa ka mid ahaa.

Wiilka ladilay ayaa goob Ganacsi ku lahaa Suuqa,xiligii ladilayeyna wuxuu Dhexjoogay Xaruntiisa Gabacsi sida ay inoo sheegeen Ganacsatada Suuqa Degmada Af Gooye.

Waxaa la sheegayaa in ay dileen Sedax dhalanyaro oo Bastoolado ku hubaysnaa.

Markii ay dileen ninkaas dhalinyarada ah ayaa la sheegayaa in ay baxsadeen Bastooladayda.

Lamayaqaano sababta loodilay inankaas Ganacsadaha ahaa.

Saraakiisha Amaanka Degmada ayaa inoo sheegay in ay ku jiraan soo qabashada dablayda dilka gaysatay.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top