Wararka Soomaaliya

Faa-Faahin ka soo Baxday Dil Ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa Caawa Waxaa lagu Dilay Nabadoon Xasan Jaciir oo ka mid ahaa Odayaashii wax ka Soo xulay Baarlamanka labada Aqal ee Soomaaliya,Xili Nabadoonka uu dhex joogay Suuqa.

Nabadoonkan ladilay ayaa xubnaha Baarlamanka labada Aqal ee dhankiisa khuseeyay ka soo Xulay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ehelada Nabadoonka oo lahadlay Wargayska Tusmotimes.com ayaa waxay u sheegeen in dilka Nabadoon Xasan Jaciir ay ka dambeeyeen sedax dhalan yaro ah oo Bistoolado Ku hubaysnaa.

Kooxdan dishay Nabadoonka ayaa waxaa la sheegay in Suuqa Ku dhex carareen.

ilaa hadda Macada Sababta loo dilay Nabadoon Xasan Jaciir.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top