Wararka Soomaaliya

Faa-Faahin ka soo Baxday Dagaal Galabta Ka Dhacay Muqdisho

Waxaa Galabta Dagaal Sababay dhimasho iyo dhaawac uu ku dhexmaray isgoyska Howl wadaag ee Gobolka Banaadir Ciidanka NISA iyo Ciidanka Booliska.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kagadaal Markii Ciidan ka mid ah kuwa NISA ay howlgal ka bilaabeen isgoyskaas ayaa waxaa Goobta soo gaaray Qaar ka mid ah Ciidanka Booliska oo Sedax Askari ahaa islamarkaana saarnaa Mooto Bajaaj.

Ciidankii howlgalka ku jiray ayaa Amray Ciidanka watay Mooto Bajaajka ka dib markii ay isku dayeen in ay xoog ku dhaafaan Goobta Baarista ka socotay.

Xiligaas isgoyska waxaa uu ahaa mid aad Mashquul u, ahaa.

Askarta Booliska ahaa ayaa ka dhega adeegay Amarka lasiiyay.

Intaas ka dib waxaa naloo sheegay in Askartaas Sedaxda ahaa ee Booliiska ah ay Xabado ku rideen Ciidankii Baarista waday.

Wixii intaas ka dambeeyay goobta waxay noqotay Goob Dargaal.

Sedaxdii Booliska ahaa waxaa ka dhintay hal Askari waxaana ka dhaawacmay mid kale.

Kii sedaxaadna wuu fakaday ka dibna waxaa lasheegay in uu dalbaday Gurmad Ciidan,waxaa daqiiqado ka dib halkii soo gaaray Ciidan Boolis ah oo Gaadiid watay Markale halkaas waxaa ka dhacay dagaal saacado qaatay.

Dhinaca NISA waxaa naloo sheegay in Afar Askari laga dhaawacay, dhinaca Shacabkii lagu dul dagaalamay waxaan xogta ku helnay in ay soo gaareen Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ciidankii ku dagaalamay isgoyska howl wadaag waxaa Kala dhexgalay Saraakiil labada dhinacba ka socday sida uu inoo sheegay laba Xidigle Nasrudiin oo ka mid ah Booliska Soomaaliya.

Xaalada isgoyska Howl wadaag oo Galabta Mar jahwareer ka dhacay ayaa Caawa waxaa uu yahay mid Xasiloon.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top