Wararka Soomaaliya

Dad rayid ah oo ku dhintay duqeyntii galabta ka dhacday Shabeelaha Hoose

Warar is daba joog ah ayaa ka soo baxaya duqeyntii galabta ka dhacday deegaanka Farsoole ee Shabeelaha hoose oo ay geysatay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn. Wararka  ayaa sheegay in duqeyntaas khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ay ka dhalatay, waa sida dad deegaanka ku sugani ay noo xaqiijiyeen.

Duqeynta ayaa waxaa ku geeriyootay 10 qof oo ay 7  kamid ahi ay shacab yihiin, halka labadda kelana lagu sheegay in ay yihiin xubno ka tirsan Al-shabaab.

Qaar kam id ah shacabka ku nool Farsoole ayaana warkaas noo sheegay,waxaa intaas dheer 8-deeda qof ee rayidka ah in ay dhamaantood ay yihiin isku qoys.

Wixii akhbaar dheeraad ah ee ku soo kordha duqeyntan waxaad kala socotaan wargeyska Tusmo Times. 

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top