Wararka Soomaaliya

Faa-Faahin dheeraad ah oo ka soo baxday Weerar ka dhacay Balcad

Kooxda Al-Shabaab ayaa Waxa ay Saakay Weerar Xooggan ku qadeen Fariisin Ciidamada Dowladda ay ku lahayeen Degaan u dhaw Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa sida la sheegay socday Muddo Sacaad ku dhaw waxana Dadka Degaanka ay inoo shegeen in Dagaalka uu si Gaar ah uu ugu dhacay Wadada Xiriirsa Degmada Balcad iyo Degmada Afgooye,gaar ahaan Wadadda loo yaqaan Basra, Dhanka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kooxda Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen Barta Internet-ka ayaa waxay ku sheegteen in Dagaalka Saaka ay ku qadeen Fariisin Ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin Degaan u dhaw Degmada Balcad  ku dileen ilaa  6 Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowlada,sidoo kale ay ku qabsadeen Hub iyo Saanad Milatari oo Ciidanka Dowlada ay la lahayeen.

Wali kama aysan hadlin Saarkisha Ciidanka Dowlada iyo Mas”uuliyinta Degmada Balcad Weerarka Kooxda A-shabaab ay ku qadeen Fariisinta Ciidanka Dowlada ay halkaas ku lahayeen.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top