Somali News

Faa faahin Dheeraad ah oo ka soo Baxay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Qarax ismiidaamin ah ayaa Barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo qaraxan uu geystay qof jaakadaha qarxa xirnaa oo isku qarxiyay afaafka hore ee xarunta maamulka Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan naftii haligaha ah uu beegsaday dad ku sugnaa maqaayad shaaha lagu cabo oo ku taal agagaarka xarunta maamulka Gobolka Hiiraan, iyadoo jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal ayaa sheegaya inay maqleen qarax xooggan oo ka dhacay agagaarka xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan, iyadoo ciidamada ammaanka ay goobta xireen.

ilaa iyo hada inta la ogyahay waxaa qaraax ku geeriyootay 10 qof halka dhaawacana uu gaarayo 20 qof.

Dhinaca kale waxaa ku dhaawacmay saxafiyiin gaaraya sedax oo kala ah Cabdi shakuur Maxamed oo ka tirsan Idaacadda StrFM iyo Star TV Cabdi Qaadir Cumar oo ka tirsan RTN iyo Radio Siimba Cabdulaahi Macalin oo Jubbaland TV usheqeeya

Qaraxan ismiidaaminta ayaa ah kii labaad uu fuliyo qof xiran jaakadaha qarxa, iyadoo jimcihii la soo dhaafay uu qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay meel maqaaxi ah oo ku taal magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ku dhinteen illaa afar ruux.

 

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

Latest News

To Top