Somali News

Faa Faahin dheeraad ah oo ka soo baxday Dilkii ka dhacay Garoonka Gaalkacyo

Taliyihii ciidamada amaanka garoonka C/laahi Yuusuf Axmed ee Magaalada Gaalkacyo  Col C/salaam Sandheere ayaa mid ka mid ah ciidamada garoonka uu maanta toogasho ku diley.

Toogashadan ayaa sidoo kale waxaa ku dhintey qaar ka mid ah ilaalada taliyihii ciidamada garoonka magaalada Gaalkacyo iyadoo aan la ogeyn sababta keentay dilka taliyahii garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa toogashadan ku dhaawacmay qaar ka mid ah ciidamada ilaalada garoonka Gaalkacyo.illaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug.

Hase yeeshee wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadii garoonka ku sugneyd ay gacanta ku dhigeen askarigi geystey falka dilka ah.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top