Local

Doorashooyinka Minnesota, natiijooyinka iyo codbixinta Soomaalida

Malaayiin Mareykan ah ayaa u dareeray goobaha codbixinta. Waxaa maanta laga codeynayey goboladda ay kamidka yihiin Virginia, New York, New Jersey iyo Minnesota.

Dad weynahan u dareeray codbixinta ayaa iyagu u kala codeynaya musharaxiin kala matalaya xisbiyadda Dimuquraadiga, Jamhuuriga iyo xisbiyo kale.

Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa iyagu kamid ah musharixiinta loo codeynayo iyo waliba kuwa iyagu codkooda dhiibanaya.

Waxaa saacadaha soo socda la sugayaa natiijooyinka doorashadda. Soomaalida reer Minnesota ayaa iyagu waxa ay sugayaan natiijooyinka iyo sida loo kala guuleystay.

Baraha bulshadda ayaa waxaa aad loo hadal hayaa qofka guuleystay, qofka guuleysan doona, sida codka loo kala helay iyo musharaxiinta la filayo in ay guushu raacdo.

Waxaa kale oo aad loo hadal hayaa oo ay dadku is weydiinayaan goobaha ay xafladahada dabaaldega ahi ay ka dhici doonaan. Musharax walba taageerayashiisa ayaa dul fadhiya TV-ga, computer-ka iyo waliba taleefanada ay gacanta ku wataan.

Haddaba natiijooyinka ugu horeeya ee doorashadda ayaa la filayaa in ay soo baxaan 9 habeenimo iyo wixii ka dambeeya. Codbixinta ayaa xirmaysa saacadu marka ay tahay 8 habeenimo, markaas kadib ayaa goob walba oo laga codeeyay ay diraysaa natiijadda codbixinta.

Waxaad kala socotaa wargeyska Tusmo Times dhamaan natiijooyinka doorashadda iyo sida loo kala badiyey.

 

Xigashadda sawirka: StarTribune

To Top