Wararka Soomaaliya

Diyaaradii ugu horaysay oo xili habeen ah ka duushay garoonka Aadan Cade Daawo Sawiradda

Diyaaradii ugu horaysay tan iyo 1991 kii ayaa caawa iyada oo rakaab sida ka duushay garoonka Aadan Cabdule Cusmaan (Aadan Cade) ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradaas ayaa rakaabka u qaaday magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Rakaabka diyaarada caawa ay ka qaaday garoonka Aadan Cade ayaa waxaa ka mid ahaa wafdi uu horkacayo wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ku siijeeda Nairobi iyo Shacab iyana u socda magaaladaas.

Qaar ka mid ahaa rakaabkii Diyaarada Caawa ka duushay garoonka Aadan Cade oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay xili habeen ah in ay ka duulaan Muqdisho iyada oo qaarkood farxad awged ay la’ilmeeyen.

Garoonka Aadan Cade ayaa dhamaadkii sanadkii 2017 lagu dhawaaqay in habeen iyo maalinba si isku mid ah diyaaradahu ay u isticmaali karaan.

Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Soomaaliya mudane Oomaar ayaa sheegay tani in ay ka turjimayso wax qabadka xukuumadda, gaar ahaan wasaaradda uu wasiirka ka yahay.

Garoonka Aadan Cade ayaa dib loo casiriyeeyey,waxaana lagu Xiray Leerarka Casriga ah ee loogu talogalay Diyaaradaha Markii ay soo degayaan iyo Markii ay Duulayaan, waxaana Leerarkaas qaarkood lagu Xiray Dhabaha Diyaaradaha ay ku soo degaan kuna Ordaan Markii ay Duulayaanba.

Arintan ku saabsan habeen iyo Maalin in laga duulikaro lagana soo degikaro Garoonka Aadan Cade ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo dib loo soo celiyey laanta hawada Soomaaliya oo Neyroobi laga maamulayey Markii ay dhacday Dowladdii Dhexe.

Haatan waxaa laga maamulaa Muqdisho.

Daawo Sawiradda:

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top