Wararka Soomaaliya

Dilal siyaabo kala duwan Caawa Uga Dhacay Muqdisho

Waxaa Caawa Degmada Waaberi lagu dilay Col Maxamed Xasan oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka oo ku sugnaa Hoygiisa oo ku yaala degmada Waaberi ee Gobolka Bnaaadir.

Dablay ku hubaysnaa Bastoolado ayaa waxaa la sheegay in Sargaalka ay Daaqada Gurigiisa Xabad ugu dusiyeen ka dibna uu soo gaaray dhaawac Culus oo xaga Madaxa iyo labada garab dhexdooda ah.

Sargaalka ayaa waxaa dhaawaciisa la dhigay Cisbtaalka Daarulshifa ee Magaalada Muqdisho ka dibna uu u geeriyooday Dhaawacii soo gaaray.

Ciidanka Amaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Gaaray hoyga Dilka uu ka dhacay waxaana lanoo sheegay in Xaafada dilka uu ka dhacay ciidanka ay ka soo xir xireen dhalan yaro intabadan lagaran waayay halka ay degan yihiin sida ay inoo xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Shacabka Degmadaas.

Dhinaca kale waxaa xaafad ka mid ah Degmada Dharkenlay lagu dilay Haweenay sida ay inoo xaqiijiyeen shacabka Xaafada dilka uu ka dhacay.

Haweenayda ayaa waxaa la gudilay Xaafada Mac Macaanka ee degmadaas waxaana dilkeeda ka dambeeyay labo dhalan yaro ah oo Bastoolado ku hubaysnaa.

Dilka sargaalka iyo kan haweenayda ayaa waxaa la sheegayaa in ay u dhaxeeysay Halsaac oo kaliya.

To Top