World

Dhulgariir dhimasho sababay oo ka dhacay xuduudka labadda dal ee Iran iyo Iraq

Dhulgariir xoog leh oo 7.3 quwadiisu dhan tahay ayaa ka dhacay dhul-beereedka waqooyi ee u dhexeeya Iran iyo Ciraaq.

Ugu yaraan 61 qof ayaa ku dhintay dhulgariirkna, 300 kalena ku dhaawacmeen galbeedka Iran, warbaahinta dalka Iran  ayaa sidaas sheegtay, iyada oo afar ka mid ahna ay ku dhinteen Ciraaq. Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay kor u kacdo.

Dhulgariirkan waxaa  ka dhashay argagax, iyada oo dadka degaanka ay ka carareen guryahooda, waddooyinkana ay isugu soo baxeen, cabsi iyo argagax awgeed.


Masaajidada ku yaalla caasimadda Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa duco, Qur’aan akhris iyo salaado is debajoog ah laga dukanayaa ilaa iyo hadda  iyadda oo kor loo  qaylinayo.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top