Wararka Soomaaliya

Dhaymankii dib loo helay maxaa loo dhaliilay (Faallo)

Waa macqul micnaha iyo ujeedka su’aashan in aad ku wareerto balse waa su’aal muhiim ah in lays waydiiyo hadaba Faaladaan ayaa ku qaadaadhigayaa ujeedka su’aashaan iyo sababta igu dhalisay:-
Qalinkii- Nuur Muuse Nur Inji
Dhaymankii dib loo helay maxaa loo dhaliilay?
 Waa su’aal aan is waydiiyay kidib markii aan arkay eedaymo aan loo meel dayin oo baraha bulshada laysa dhaxmaraayo kuwaas oo loo jeedinaayo madaxweynaha somaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Waxaan xasuusanahay ka hor doorashidii saadaalin iyo xog aruurin lasameeyay in boqolkiiba 100%99 dadka soomaaliyeed ay taageeraayeen madaxweynaha hada talada haayo ee Farmaajo mar haddii riyadda rabi ku rumeeyay ma’aha in aad dhaliilo hadaneh hore ka keentaa waa soo jeedin kartaa latalin fikirkaaga ah lkn waa in aad raadisaa meel ku haboon in aad fikir kusoo bandhigto hadaba aan wax Yar ka xu soo qaab mamulkisii iyo xilalkii uu soo qabtay.
Shaqooyin kala duwan ayuu soo qabtay oo ay ka mid tahay dhanka xuquuqda aadamaha. Agaasime guud ayuu ka soo noqday hay’ad u doodda xuquuqda bulshada sanadkii 2002-dii.
Wuxuu ka soo shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee dalka Maraykanka sanadihii 1986-dii ilaa 1989-kii.
Bishii Octobar 14-keedii sanadki 2010-kii Maxamed Cabdulah Farmaajo waxaa loo magacaabay raiisal wasaaraha Soomaaliya, Isaga oo badelay Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo xiligaasi iska casilay bilka hor intii aysan isku dhicin madaxweynihii xiligaasi Shariif Sheekh Ahmed.
Bishii Octobar, 31-deedii 2010-kii, xubnaha barlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixyay raiisal wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Kontonkii maalmood ee ugu horeysay xafiiska ra’iisulwasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku guuleystay bixinta mushaaraadka ciidamda iyo shaqaalaha dowlada.
Dhanka dagaalka, Xukuumadii cusbeyd ee Farmaajo iyo ciidamada AMISOM waxa ay hanteen boqokiiba lixdan caasimada Muqdisho, iyagoo oo ka saaray dagaalyahanadii Al-Shabaab.
Hase ahaate dhowr bilood ka dib khilaaf u dhaxeeyay raiisalwasaare Farmaajo iyo madaxweyne Sheekh Shariif iyo afhayeenkii baarlamaankii Shariif Xasan Sheekh oo salka ku hayay qabashada doorashada 2011-ka August.
19-kii bishii Juun 2011, ra’iisulwasaare Farmaajo waxa uu iska casilay xilka, Ka dib heshiis lagu soo gaaray Kampala.
Farmaajo ayaa khudbadii uu xilka uga degayay ku sheegay in uu go’aankaasi u qaatay danta dalka iyo dadka awgeed.
Waa iga su’aalee dhaymankaa dib loo helay maxaa loo dhaliilay??
W\Q: Weriye Madax Banaan oo jooga South Africa oo lagu magacaabo Nuur Muuse Nur Inji 
Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top