Community

Deg Deg: Dhalinyaro Soomaali ah oo isku xabadeysay suuqa Karmel agtiisa

Waxaa saacado ka hor isku xabadeeyay suuqa Karmel agtiisa dhallinyaro Soomaali ah. Ciidanka Booliiska magaalada Minneapolis ayaa sheegay in labo qof oo dhallinyaro ah ay ku dhaawac meen is xabadeyntii, loona qaaday isbitaalka Hennepin.

Ciidanka Booliiska magaalada Minneapolis ayaa sheegay in ugu yaraan 15 ilaa 20 xabadood ay dhallinyaradani isku fureen. Ilaa iyo haddda lama hayo dadkii ka dambeeyay fal dambiyeedkan.

Haddaba arrintan naxdinta leh ayaa ka dhacday inta u dhaxaysa suuqa Karmel Mall iyo Dukaanka weyn ee loo yaqaano Wallgreens, gaar ahaan agagaarka goobta gaadiidka la dhigto.

Wixii akhbaar dheerad ah ee arrintan ku soo kordha waxaad kala socotaa wargeyska Tusmotimes. 

To Top