Somali News

Degmada Beled-xaawo oo lala Wareegay iyo Warar dheeraad ah oo soo Baxaya

Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa Saaka la wareegay Ciidan ka tirsan Al-shabaab ka dib Dagaal Xoogan oo halkaas ku dhaxmaray Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee halkaas joogay iyo Al-shabaab.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Shabaabka ay dileen in kabadan 10 ka mid ah ciidanka soomaaliya waxaana Xabsiga laga siidaayay sida ay sheegayaan Shacabka Maxaabiis ubadan Shabaab oo ku xirnaa halkas.

Wali Beled-xaawo waxaa ku sugan Al-shabaab iyadoo Ciidankii halkaas joogayna ay joogaan deegaan aan ka fogay Beled xaawo.

Latest News

To Top