Somali News

DEG-DEG:Xildhibaan Ka mid ah baarlamanka Aqalka Hoose oo Ka badbaaday isku day dil ah

Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji Cabdalla oo ka mid ah Baarlamanka Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa waxaa uu Saaka ka badbaaday isku day dil ah ka dib markii Gaarigiisa oo uu mararay agagaarka Fagaaraha Tarabuunka ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ay Rasaaseeyeen koox Hubaysan.

Dableyda hubaysan ee Rasaaseysay xildhibaanka ayaa waxaa la sheegay in ay wateen gaari SPACIO ah oo Taargo lahayn.

Waxayna Gaariga la dhaceen Rasaas xoogleh gaariga ayaa xiligaas waxaa saarnaa Gabar xanuunsan oo uu adeer u yahay Xildhibaanka oo loo waday cisbitaal iyo Darawalka oo kaliya waxaana ku dhaawacmay Darawalkii iyo Gabadhii Xanuunsaneed ee cisbitaalka loo waday  dhaawacoodana waxaa la sheegayaa in uu yahay Mid fudad.

Waqtiga dableyda weerarka ku qaadaysay Gaariga Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegay in Gaari Cabdi bila ah uu dhacdadaas la kulmay ka dibna uu ka dhiciyay Gaariga rasaasta lala dhacayay.

Xiligii Gaarigaas weerarka lagu qaadayay ayaa waxaa la sheegayaa in Xildhibaanka uusan saarneen Gaariga.

Dableydii ayaa wararka waxay xaqiijinayaan in ay baxsadeen oo aan faro lagu haynin.

Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji ayaa waxaa uu ka mid yahay Xildhibaanada ka so galay dhanka Koonfur  Galbeed, ka hor jagadaan ayaa waxaa uu ahaa wasiir ku xigeenkii wasaarada amaanka ee Maamulka koonfur galbeed.

 

Latest News

To Top