Somali News

Warar hada Soo dhacay

Duleedka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay warka ka imaanaya ayaa waxaa uu sheegayaa in laga af duubtay lix qof oo la sheegay in ay u shaqeynayeen NGO ka howl gala Baydhabo.

Waxaa la sheegayaa in ay ka danbeeyaan Af duubkooda Al-shabaab sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen.

Deegaanka laga af duubtay ayaa waxaa lagu magacaabayaa Misgaale waxaana uu Bay dhabo ujiraa 13 KM dhanka Bari halkaas oo la sheegayo in Mararka qaar ay si dhuumaaleysi ah ku soogalaan Al-shabaab.

Tiro ka dhoor jeer ayaa sidaan oo kale Shabaabku waxay u af duubteen shaqaalo u shaqeeya Hay,adaha Ajanabiga ah iyadoo qaarna la dilay qaarna madax furasho laga qaatay.

Sanadihii danbe ayaa shabaabka waxay bilaabeen in ay qaataan Madax furasho oo kaliya halkii markii hore ay dili jireen Shaqaalaha.

Latest News

To Top