Community

Magaca Wiilka Soomaaliga ah ee lagu dilay Minneapolis oo la shaaciyey

Shaqaalaha iyo dhakhaatiirta u qaabilsan degmadda Hennepin baaritaanka dadka degamadda Hennepin ku dhinta ayaa maanta sheegay magaca wiilka Soomaaliga ah ee lagu dilay magaalada Minneapolis. 
Cabdullahi Sacid Cawil  oo ah wiil dhallinyaro ah ayaa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota waxaa lagu dilay habeenkii Khamiista ee ay taariikhda bisha August ahayd 8/31/2017.
 
Cabdullahi ayaa ayaa saqdii dhexe  ama markii ay saacadu ahayd 3:45 subaxnimo lagu dilay agagaarka xaafada Cedar ama meesha loo yaqaano 7 corners ee ku taala geeska xaafada Cedar ee ay Soomaalidu degen yihiin.
 
Ciidanka Booliska magaalada Minneapolis ayaa cadeeyay in uu wiilkani u dhintay toogasho iyo xabad lagu dhuftay. 
 
Ilaa iyo hadda lama garanayo cidda dilkan geysatay iyo sababta loo dilay wiilkan, laakiin Booliska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira wiilkan la dilay.
 
Afhayeen u hadlay Booliska Minneapolis ayaa sheegay in Boolisku uu gacanta ku hayo kiiska wiilkan la dilay xalay, ayna baarayaan cidda dilka geysatay iyo waxa keenay.
 
Waxaa maalman dib u soo noqonaya is xabadayntii iyo dilalka  dhallinyarada Soomaalida ah loo geeysto ama ay isku geystaan. Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa sidoo kale magaalada Columbus ee gobolka Ohio lagu dilay wiil Soomaali ah. Waxaa sidoo kale magaalada Minneapolis ka dhacay is xabadeyn aanan wax dhimasho ah sababin. 
 
Ciidanka Booliska magaalada Minneapolis  ee iyagu caganta ku haya dilkan loo geeystay Cabdullahi ayaa dad weynaha ka codsanaya in ay soo wacaan taleefanka 612-692-8477 ama ay fariin qoraal ah ku soo diraan number-ka 847411(TIP411) haddii ay ogyihiin wax akhbaar ah oo la xiriirta dilkan. 
 
Wixii akhbaar dheerad ah ee ku soo kordha dilka wiilkan Soomaaliga ah waxaad kala socotaan Tusom Times. 
Xigashadda Sawirka: Rabsheets

 

Latest News

To Top