Community

Deg Deg: Wiil Soomaali ah oo arday ka ah Jaamacadda Minnesota ayaa la la’yahay

Waaxda Boliiska ee magaalada Eagan iyo  ciidanka Booliiska ee Jaamacadda Minnesota ayaa sheegay in wiil Soomaali ah oo arday ka ah Jaamacada Minnesota la la’yahay oo ay baadi goobayaan.

Booliska ayaa dadweyanaha ka codsanaya in ay la soo xiriiraan haddii ay ogyihiin ama ay arkeen Daud Jaamac oo ah ardayga maqan.

Sida laga soo xigtay Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Minnesota,  Daud Jaamac ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay Jimcihii la soo dhaafay ee bisha Sebtember 15 ahayd goobtaa jaradiinada ee Como Park.

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacada Minnesota ayaa iyagu xaflad iyo kulan ay ku daahfuranayeen sannad dugsiyeedka cusub ku lahaa goobta markii ugu dambeysay uu joogay Daud Jaamac. 

Haddaba, fadlan la xiriir Waaxda Bilayska magaalada Eagan adiga oo wacaya taleefanka 651-675-5700  haddii aad wax macluumaad ah oo ku saabsan halka uu joogo Daud Jaamac aad ogtahay. 

 

Xigashada sawirka: KMSP

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top